Type Here to Get Search Results !

Dhawacii Qalbiga Sheeko jaceyl ah

 Dhawacii Qalbiga  

(Sheeko jaceyl ah) 

Hanad waa Wiil Qurux, Akhlaaq iyo Diin intaba leh, wuxuu ahaa wiil dadaal badan Hooyadiis waxey dhimatay isagoo 10 jir ah,  Aabihiisna ma guursan Naag kale Xaaskiisa markey ka dhimatay ka dib, wuxuuna go'aansaday inuu Wiilkiisa uu si Wanagsan u koriyo, kuna dadaalo Waxbarashadiisa iyo Mustaqbalkiisa

Hanad  Waxbarashada wuu ku fiicnaa aad iyo aad, markuu dhamestay Waxbarashadii Dugsiga Sare, ka dib wuxuu bilaabay inuu dhigto college uu Caafimaad ka baran jiray Hal sano, ka dibna wuxuu bilaabay Jaamacad, balse Aabihiis wuxuu lahaa Dukaan yar oo uu ku dabari jiray Quutalyoomka iyo Nolosha Isaga iyo Wiilkiisa.

Hanad xaladda Aabihiisa iyo Jaamacadiisa wey is bixin weysay, wuxuuna go'aansaday inuu Culeyska ka qafiifiyo Aabihiisa, wuxuuna bilaabay inuu Shaqo raadsado. 

Wuxuu Shaqo ka helay meel pharmacy ah  Bishii wax yar ayaa laga siin jiray, sidaas ayuuna ku dabari jiray Shopinkiisa iyo Jaamacadiisa, Halka Dukanka waxa laga helo qaarna meel la dhigi jiray, qaarna la Cuni jiray,  waxey ahayeen family illahay ku xiran oo Xalaal quudato ah, Salaadana xifdiya. 

Waxay Xaaladdu sidaas ahaataba Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo pharmacy ku jiro ayaa waxaa soo gashay Gabar Qurux illahay u dhamays tiray,  indhihii arkana eysan ka jeesan karin, Qalbigi damiir lehna uu horay ka jeclanaayo, waxey laheyd soo jiidasho Indho qurxoon, Cod qafiif oo aad u macaan, hadal dabacsan oo aad ka dareemaysid Iney tahay Qof Naxriis leh.

Waxey rabtay iney pharmacy ka ay Daawo ka iibsato, Wexeyna ku tidhi Abowe Daawadan ma heli karaa? waxay u dhiibtay Warqad ay ku qoran tahay Daawada magaceeda. 

Hanad  wuu Aqriyay Warqadii wuxuuna ku yiri Haa way taal, qiimaheeduna waa 3 dollar, waxay tidhi haye  ii soo dhiib,Numberkagana i sii ayay ku tidhi, markuu Numbarka siiyay ayay u tuurtay Lacagtii, weyna iska baxday.

Saacado ka dib Hanad Shaqadii ayuu ka soo baxay, wuxuuna soo aaday xaafadooda,Aabe ayuu salaamay, ka dib wuxuu u sii gudbay Qolkiisa.

Hanad  fikir ayuu galay waxaa mar walbo dhegahiisa ka yeeraayo Codkii macanaa  ee naxariista  lahaa iyo sida Asluubta leh ee u hadleysay Gabadhii uu maanta soo arkay,  Quruxdeeda ayaa hor taagan markuu damco inuu Numberkeeda  soo bixiyo oo waco, wuxuu haddana is dhahaa meesha waa meel Ganacsi shaqale  ayaana ka tahay mana ogid Qoftan in la qabo iyo in kale Shaqadaada haku dheelin, balse Hanad  Maskaxda ayay ka mashquulisay ka fikirkeedu.  

Waxay sidaa ahaataba Waqtiguna uu is guro waxaa la gaaray subaxii Labaad Hanad   sidii caadada aheyd ayuu u aaday Shaqadiisa, aad ayuu u fikiraa wuxuu dareemay inuu qoftaan u baahan yahay, ayna tahay  Dooqiisa iyo Qoftuu ku Hamin jiray waligiis, balse wuxuu lahaa rajo inuu maalin uun  dib ula kulmi doono.

Ku dhawaad Mudda Hal Bil ma uusan arkin, Nambarkeedana wuu hayaa lakiin Shaqadiisa ayuu u cabsanaa ma oga wuxuu kala kulmi doono, Anshax daro ayeyna la noqotay inuu daba galo.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo u socdo Jaamacadiisa oo saaran gaari ayuu Daaqada gaariga si lama filan ah uga arkay,  Isla gabadhii oo Laamiga dhinac kale ka taagan wuxuu u qeyliyay sidii Nin soo baraarugay, Jooji jooji Baabuurka ayuu Hal mar la soo booday. 

Darawalkii ayaa isla markiiba istaajiyey Gaariga, orad ayuuna uga soo degay, laamiga ayuu soo raacay wuxuna ag istaagay gabadhii, lakiin indhihiisa iyo indhaheedu markay isku dhaceen hadalkii ayaa ka lumay, wax uu u sheego ayuu garan waayey, isla markaas wuu ka soo jeestay lakiin intay dhoola  cadayday ayey ku tidhi.

Markaas ayay Gabadhii intay Dhoola cadeysay ku tidhi  Fiiri  Intuu soo jeestay ayuu ku yidhi  Hee Waxay tidhi Horaan kuu arkay saan filaayo, sow maaha Markaas ayuu yidhi  haa  waxaan ahay Wiilkii pharmacy ka  maalintii Daawada ka gadaneysay, Ka dib hadalkii ayuu isku qasay, oo wuu kala hadlay  Sida Qof ay ka aheyd mar lee yaa kuu bilaabo.

Markuu hadalka ku badiyay, iyadana ay iska aamusan tahay keliya ay dhoola cadeynayso oo indhihiisa ay ku maqan tahay markuu arkay ayuu Aamusay oo wuu xishooday hoos ayuuna fiiriyey, ka dib ayuu ku yidhi Iga raali noqo hadalka ayaan kugu badiyay,  markaas intey qososhay ayay ku tidhi Waa caadi sii wado hadalkaaga  ka dib intuu qoslay ayuu yidhi  maku baran karaa?, adoo raali ah  Kolkaas aya y ku tidhi  Haa  waan ku soo dhaweynaa.

Kolkaas ayuu ku yidhi magacaygu waa Hanad adigana waxay ku tidhi anigana  Ruweyda sidii ayay isku barteen, kolkaas ayuu ku yidhi jaamacada ayaan ka sii daahayaa waa inoo markale, waxay tidhi haye Hanad  Barasho Wanagsan. 

Sidii ayuuna kaga soo dhaqaajiyay oo wuxuu sii aaday Jamacadiisa, isagoo Faraxsan dhowr sacadood ka dib Hanad  wuxuu ka soo baxay Jaamacadii, wuxuuna soo aaday xaafadooda  markuu guriga yimid uu nastay ayuu is yidhi Bal wac Ruweyda, ileen  Numberkeeda hore ayuu u heystay, Numbarkii ayuu ka wacay way ka qabatay  waxeyna ku tidhi  Hello waa ayo Markaasu yidhi Waa Hanad.

Kolkaas ayay ku tidhi Hanad sidee ku heshay Numberkayga,  markaas ayuu ku yidhi Mar walbaan jeclaa inaan ku soo waco, balse Qalad inaad ii fahantid ayaan ka cabsaday, maalinta Wax iga gadaneysay ayaan Xafiday Numbarkaaga. 

Isbarasho ka dib waxey bilaabeen iney is xiriiriyaan, Ruweyda waxay jeclaatay Hanad Aqlaaqdiisa, Xishoodkiisa iyo Degganaantisa ayey aad ugu bogtay, Maalinta uusan isaga soo wicin iyadaa Wici jirtay, waxey noqdeen Dad is jecel oo is Xiriiriya xilli walba, oo mar mar Balama oo kulan wada yeeshan, Xiriir dhab ah ayaa dhex maray waxey saas u wada socdaanba oo ay maalin walbo jeceylkooda Xoojiyaan.

Wuxuu Waqtigu is guro Hanad  iyo Ruweyda wuu sii kordhaayay Jaceylkooda, maalinba maalinta ka dambeso Heer waxey gaareen ay kala maarmi waayaan Labadooda. 

Hanad Aabihisa waxba kama qarsan jirin,  mar waxey ahaaye Wiil iyo Aabihiis, marna waxey ahaayeen Labo Saaxiib, oo Sirta aan kala qarsan, hanad ayaa u sheegtay Aabihiisa inuu Gabar bartay oo aad u qurux badan, uuna jeclaaday iyadana ay jeceshahay, Ka dib Aabahiis ayaa ku yidhi  Waad iga farxisay Wiilkeygiyoow anaga waxaan caado u laheen inaan Guursano anago yar yar, Sidaas darteed waxaan rabaa inaan kuu guuriyo sida ugu dhaqsaha badan, saan u arko Ubadkaaga, Gabadhasna waan kuu doonayaa.

Hanad ayaa arintaas ku farxay ugana Mahad celiyay Aabihiisa, ka dib ayuu wacay Ruweyd si uu ugu sheego In Aabihiisa uu ogolaaday in Ruweyda uu u doono, uuna u guuriyo. 

Ruweyda sido kale wey ku faraxday arintaas, waxeyna ku tidhi

Macaane Waa riyadeyda inaan is Calfano oo Aniga iyo Adiga aan Guri kuwada noolaano, aan Ubad kuu dhalo, Alla ha inoo rumeeyo Riyadaas, isagana Aamiinta ayuu u raaciyay. 

Maalmo waxey wada socdaanba hanad  ayaa ka codsaday Ruweyda iney Ehelkeeda u sii sheegto in uu rabo inuu soo doonto, Waayahay ayeyna ku tidhi, weyna u sii sheegtay Aabaheed, balse Aabaheed wuxuu ahaa Nin Damac badan, wuxuuna jeclaa Gabadhiisa inuu ku daro Nin Lacag leh oo Guri leh oo Gabadhiisa Mustaqbal qurxan u sameyn karo, sidaas ay tahay ma sii wareysan gabadha oo ma dhihin Ninka ku soo doonanaayo bal iiga waran,  wuxuu jecleystay Ninka markuu la kulmo inuu isaga Wareesto, uuna wax walbo Afkiisa kaga Ciil baxo. 

Waxaa la soo gaaray Maalinti hanad loo dooni lahaa Ruweyda, hanad aad ayuu u faraxsanaa wuu Lebistay, Labiskiisa kuwii ugu Qurxanaa ayuuna xirtay, wuu is qurxiyey, Maalinta haduu Baalal lahaan lahaa farxad ayuu la Duuli lahaa.

Waxaa isa soo raacay hanad iyo Aabihiis, waxeyna soo aadeen dhankaa iyo Gurigii Ruweyda, Markey yimaadeen Guriga waa la soo dhaweyay, Waa la Casuumay Casuumada ka dib waxaa la gaaray Xilligii leys wareysan lahaa ee Xaqiiqda Cazumaadaas laga hadli lahaa.

Hanad  iyo Aabahiis si wacan ayaa loo soo dhaweeyay, waana la Casuumay Casumada ka dib waxaa wada Fariistay Labadii Oday ee dhalay Wiilka iyo Gabadha, waxaana hadalka ku hor maray Hanad  Aabihiis oo si diiran uga  Mahad celiyay Casumaaddii aadka u Xiisaha badneyd ee loo sameeyay, isagoo ku bilaabay hadalkiisa:- Waan idinkaga Mahad celinayaa sida Sharafta leh aad noo soo dhaweyseen, ka dib Gabadha Aabaheed ayaa yiri:- Waa waajib i saaran inaa Martideyda soo dhaweeyo Sharaf ayeyna ii tahay.

Ka dib waxaa Mowduucii furay hanad Aabihiis oo sheeko kale kuma sii dheeran wuxuu yidhi:- Xaajiyoow waxaan kuugu soconaa Aniga iyo Wiilkeyga, doonasho Gabadhaada Ruweyda ah, inaan u Guurino Wiilkeyga Hanad , weyna soo wada hadleen Labadooda.

Gabadha iyo Wiilkana wey is jecel yihin weyna isku qanacsan yihin sidaas darteed iyada ayaa  ku tidhi  Reerkeyga iiga soo doono, ee Xaajiyow Wiilkii iyo Gabadhii aan Faataxa u marno inuu ilaaheey isku barakeeyo.

Markuu hadalka dhameystay Odaygii ayaa wuxuu ku yidhi:- Wiilkaagu muxuu qabtaa ?, Hanad  Aabihiis ayaa yidhi:- Wiilkeygu waa arday jaamacad ayuu dhigtaa, wuuna Shaqeestaa, Ruweyda Aabaheed kuma qancin arintaas si Xun ayoona ula hadlay Martidi wuxuuna yidhi:-  Waa ka xumahay Aniga gabadhan Nolol Heer Sare ku soo koriyay, si fudud kuma bixinaayo, waayo Wiil Arday ah kuma amini karo Gabar aan kusoo tiir iyo tacab beelay, Nin aan Nolol fiican heysan oo gabadheydana Nolol fiican sin jarinkuma Amini karo, waan ka Xumahay Xaajiyoow Raali ahaada Calaf iskuma laheyn Labadooda ee Kheer ayaan idiin rajeynaa.

Hanad iyo Aabihiis oo niyad  jabsan ayaa ka soo baxay Gurigii cidda, waxeyna soo aadeen Xaafadooda, Hanad tiisa wuu iloobay markuu arkay Aabihiis oo Niyad jabsan, guriga markey yimaadeen ayuu ku yiri Aabe iga raali noqo Sharaf dhacaan iyo Niyad jabkaan anaa sabab u noqday, Adigoo  qof weyn ah ayaan Maanta sabab u noqday Nin asaagaada inuu ku liido oo ku bahdilo, waana igu balan Aabe inaan Ruweyda faraha ka qaado, dib dambana u xiriirin, adigana i Cafi Aabe. 

Odayga ayaa ku yiri Wiilkiisa:- Aabe waxaas waa caadi, anigana dhib uma arko, waxaan u Murugeysanahay waa Adiga dartaada, waan ogahay Wiilkeyga in jeceylka uu Xanuun badan yahay wejigaada Farxada ka muuqatay iyo xamaasad intaan bixin ka hor, waana dareemi karaa inaad niyad jabtay, ee Wiilkeygiyoow ha is raacinin Cidaas isku maqaam ma nihi oo iskuma qalano, iska iloow Niyadaadana ka saar. 

Hanad  ayaa ku yidhi Aabihiis:- Aabe ilowsho ma aha wax aan si fudud ku iloobi karo, laakin inaan ka fogaado waa igu balan, mana iloobi dooni weligey Ruweyda Aabaheed sida uu noola dhaqmay.

Dhanka Ruweyda iyadana aad ayey uga Naxday falka uu Aabahed uu ku sameeyay Hanad iyo Aabigiisa, aad ayey uga xumaatay waxey la hadashay Aabaheed waxeyna ku tidhi Aabe maxaa saan u sameysay maxaa saan ula hadashay Hanad  iyo Aabihiis. markaasu ku yidhi:- Aabe Aniga weligey wax makaa hakran Nolol tan ugu Quruxda badan ayaan ku siiyay habeen iyo maalina dartaada u Shaqeynaayi Farxadaada, Caafimadkaga, Cuntadda iyo wax walba oo aad u baahato diyaar ayaan kuula ahaa, waan ku baryaa hadaad Ducadeyda rabtid iska iloow Wiilkaas kuuma Qalmo waa Faqiir wax ma heysto asagaa Gaajejsan, adigana inaad iga gaajooto ma rabo.

Sheekada hadey gaartay Duco iyo Habaar Ruweyda iyadoo ka xun oo Niyad jabsan oo Qalbiga ka dhaawacan ayey go'aansatay iney ka fogaato Hanad, hanad isagana sido kale wuxuu go'aansaday inuu is iloowsiiyo jaceylkiisa, laakin Lamaanahan si dhab ah ayey isku jeclaayeen midna ma awoodin inuu iloobo midka kale, Ruweyda nolosheeda Mugdi ayey noqotay, wey Fikirta markey soo Xasuusato Hanad, weyna iska Ooysa, Hanad isagana sidoo kale Murug iyo Fikir iyo Ooyin ayuu ka bixi la'yahay.

Waxey Xaaladdu sidaas ahaataba mudo ka dib qof walbo wuxuu bilaabay in Noloshiisa meesheeda uu ka sii wato, balse Xusuustii quruxda badneyd inaan marnaba laga tegin. 

Hanad wuxuu go'aansaday inuu iskaga tago Shaqadii uuna xooga saaro Waxbarashadiisa keliya uu ku dadaalo Waxbarashada inuu heer ka gaaro, Halka Ruweyda ay nolosheeda dabiiciga iska sii wadatay Waxbarashadeeda iyo gurigeeda iyo Asxbteda iskala nooleed Jaceyl iyo Xiriir dhan wey ka Niyad jabtay, Hanadna sidoo kale wuu ka niyad jabay Xiriir Jaceyl oo dhan. 

Wuxuu Waqtigu is guroba waxaa ka soo wareegatay Hal sano kala tagidooda, Ruweyda  waxaa soo doontay Nin iyada ka weyn Da' ahaan, laakiin Hanti lahaa oo ay Aabeheed is kasaayeen, Ninka waa Nin Ganacsade ah oo Guryo iyo Gawaari leh. 

Aabaheeda ayaana ogolaaday, wuuna siiyey Ninkii. Aabe ayaa u wacay Gabadhiis Ruweyda wuuna u sheegay in Nin Lacag leh ka soo doontay, uuna bixiyay, waana amarkeyga ayuu ku yidhi. Ninkan waa Nin ku siin kara Nolol farxad badan waa Nin Hanti leh waa Nin kuu awooda inuu kuu sameeyo wax walbo aad u baahato, waa Nin noo Qalmo gabadheyda hadaad Ducadeda rabtid Aabahaa ayaan ahay xaqna waan u leeyahay inaan kuu dooro wixii Maslaxadaada ah, hadalkeyga ha diidin Ninkaas ayaan ku siiyay, Arooskana waa Bil ka dib, Ninkaan is barta oo is fahma. 

Ruweyda wey ka Oggolaatay Aabahed waayo wey jecleed Aabaheda, mana rabin iney Amarkiisa diido.

Ruweyda way ka ogalaatay aabaheed iney guursato ninka uu u dooray, sobabta oo ah aad ayay u jeclayd aabaheed, Amarkiisa iney diido  way la noqon weyday, ninka iyo Ruweyda  ayaa bilaabay iney is bartaan, waayo waa ninkii guursan lahaaa guurka ka hor waxaa waajib ah in dadka is guursanayaa ay wakhti isla qataan si ay isku sii fahmaan.

Ninka guursan lahaa Ruweyda oo lagu magacaabo maxamed ayaa ka codsaday Ruweyda inuu Qado ku Casuumo, oo ay isla soo wareegaan  si uu shoping ugu soo sameeyo,Way ka ogalaatay.

maxamed ayaa Ruweyda  u waday Hotel Blue Star,  wuxuuna ku marti qaaday Qado Qurux badan iyo jawi Romantic ah, Qarash (lacag) fara badan ayuuna ku bixiyay si uu u kasbado Ruweyda, Qadadii ka dib ayuu ku qaaday gaarigiisa, wuxuu geeyay suuqa weyn oo laga helo wax walba oo naftu u baahan tahay, wuxuuna u soo iibiyay wax walba oo au rabtay ha noqdan dhar, Dahab, shoping iyo waliba mobile Qaali ah oo ay isheedu u bogtay, si wanaagsan ayuu u koolkooliyay, Qarash(lacag) badana wuu ku bixiyay, intaas ka dib ayuu geeyay Gurigeeda.

Ruweyda way is badashay oo waxay bilawday inay Qadariso maxamed, waayo wax walba oo ay Dumarku farxaan ayuu u sameeyay, weyna ku qanacday ninkaas sida wanaagsan uu ula dhaqmay iyo sida hagar la'aanta  ah ee uu wax walba ula garab taagan yahay, markey aragtay inkastoo ay wali jaceyl dhab ah u heyso Hanad, uuna marnaba ka baxeynin Qalbigeeda hadana waxey ku qasbaneed iney maxamed u muujiso Qadarin iyo ixtiraam.

Maxamed wuu xariirin jiray mar waliba, wuxuuna jeclaa inuu soo jiito, uuna kasbado qalbigeeda mar walbo wuxuu u keeni jiray Hadiyado qaali ah. 

Waxaa soo dhawaday arooskooda, maxamed wuxuuna ka codsaday Ruweyda iney is raacan si alaabta Gurigooda ay u soo wada dooqdaan, waayo goor dhaw wey isla aqal  gali doonaan, wey ka ogolaatay weyna is raacen, wuxuuna fursad u siiyey iney iyada dooqato Alaabteeda sidas ay tahay Ruweyda wey ku qanacsaneed Dhaqankiisa iyo Ixtiramka uu u muujinayo.

Wey soo wada adeegteen wax walbo ay u baahneedna wuu u sameeyay, waxaa la gaaray maalintii Arooska, wuxuuna u dhigay Aroos weyn oo Caalami ah. 

Halka Hanad  go'aansaday Waxbarashadisa inuu xoogga saaro uu ku dadaalo waxbarasho, Shaqadiina wuu iska dhaafay, Hanad wuxuu jeclaa oo uu ku riyoon jiray inuu noqdo Doctor Dadaal dheer ka dib Sanad walbo wuxuu geli jiray Kaalmaha Hore, wuxuuna u dadaali jiray inuu Riyadiisa rumeeyo.  

Ruweyda waa la guursaday Nolol kale ayey gashay, Bilooyin iyo Sanado waxey socdaanba maxamed wuu is bedelay, wuxuuna bilaabay inuu ka mashquulo Ruweyda, uuna wejiga u bedelo, Xanaaq fara badan inuu ku qeyliyo uu ula dhaqmo sidii Gabar Shaqaale oo kale. 

Wuxuu bilaabay inuu iska Safro uu muddo ka maqnaado kaligeedna uu cidlada kaga tago, weliba inuusan soo Xiriirin intuu Shaqada iyo Safarka ku maqan yahay, sidaas ay tahay haddane wuxuu ugu sii daray inuu Gacan u qaado mararka qaar uu Garaaco uuna bahdilo. 

Ruweyda way ku sabirtay in badan, muddo ka dib inteysan uur qaadin ubadna aysan u dhalin maxamed, waxay bilowday iney wareysato dadkii maxamed aqoonta  u lahaa waxayse ogaatay, inuu Dumar badan uu soo guursaday, uuna Dumarka iska badbadali jiray mid ka mid ahna aysan caruur u dhalin.

Hanad wuu qalin jabiyay dadaalkiisana wuu ka miro dhaliyay, wuxuuna shaqo ka bilaabay Hospital  ka mir ah kuwa ugu waa weyn magaalada,wuxuuna qaadan jiray mushahar ku filan isaga iyo  aabihii. 

Noloshiisu way is badashay, mudo ka dibna wuxuu iibsaday Guri iyo Gaari, nolol Qurux badan ayuu galay somali waxay tidhahdaa dadalaa wuu garaa. 

Waxay arintu sidaas ahaataba waxaa ka soo wareegatay muddo fara badan, Ruweyda dhoor jeer ayay isa soo baartay waxeyna ogaatay ineysan ciladu iyada aheyn oo au iyadu dhali karto ubad.

Ruweyda dhowr jeer ayay Isa soo baartay waxayna ogaatay ineysan ciladu iyada ahayn oo ay iyadu dhali karto Ubad, balse uu maxamed yahay madhalays.

Horayna uu u soo guursaday dhawr Dumar ah oo aysan caruur u dhalin, sidaas oo ay tahay hadana wuxuu ugu sii daray dil iyo dagaal joogto ah, daqiiqadna ma aysan ka helin farxad, way dul qaadatay wax badan lakiin maadama ay ogaatay inuu xanuunsan yahay waxay go'aansatay iney ka dalbato furniin. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Ruweyda waxay maxamed ku tidhi iyadoo careysan oo ay dhibsatay Nolosha foosha xun  ee ay kula Nooshahay, wax badana ay ku soo sabirtay oo ayku dulqaadatay, sabarkiina wuu iga dhamaaday, hadda waxaan go'aansaday inaad i furtid oo noloshaada aan isaga baxo, waan nacay nolosha kugula noolahay,niyadna kuma hayo.

Maxamed isagana sido kale jawaabo kulul ayuu siiyay dagaalkii waa sii weynaaday Heer gacan leyskula tago ayey gaartay, ka dib ayuu maxamed gabadhii inuu garacay uu u kala tuuray si arxan daro ah. 

Dhulka ayey ku dhacday Madaxa ayaana Jug xoog leh ka gaartay, oo way Suuxday, ka dib ayaa waxaa isku soo baxay Deriskii iyo dadkii meesha ka dhawaa waxaana lala Xiriiray Gabadha Reerkeeda isbitaal  ayaana loola Cararay, waxaana la geeyay Isbitalkii uu Hanad Doctorka ka ahaa.

Hanad  oo Xafiiskiisa ku jira ayaa waxaa ku soo kala Cararay Shaqaalihi Caafimaadka, waxeyna ku yiraahdeen Doctor xaalad Halis ah ayaa la keenay ka soo gaar, Markaas ayuu soo Cararay, markuu galay Qolka Xaaladaha deg degga ah ee uu arkay Bukaankii mise waaba Ruweyda. 

Aad ayuu uga naxay Xaalada soo wajahday jaceylkiisa hore oxygen ayaa lagu xeray Gar gaar Deg-deg ah iyo dadaal dheer ka dib wuxuu ogaaday in xaaladda sidii hore ay ka fiican tahay Bukasnkana uu ka kici doono, xaaladeedana aysan Halis aheyn  balse ay ku jirto Koomo saacado ah. 

Familyka Ruweyda iyo maxamed  waxaa dhex martay Dood iyo dagaal iyo Dacwad, maxamed  waxaa lagu qasbay inuu dhiibo Lacag fara badan, uuna Furo gabadha.

Maxkamad ayey gaartay arintii, waana lagu xukumay maxamed,   inuu dhiibo Lacagtaas, Xabsina uu galo, gabadhasna uu iska Furo, Xuquuqdeedana uu siiyo. 

Xukunkaas ka dib maxamed sidii ayuu uga baxay Nolosha Ruweyday, waxeyna noqotay Qof Madax banaan, laakin xaladeeda Caafimaad ma ficneen oo jugta Madaxa ka gaartay ayaa Koomo gelisay.

Isbitalka ayey muddo dhex taalay Halka hadanda  uusan garabkeeda ka tegin oo uu mar walbo garab taagnaa xataa gurigiisa ma uusan u  hooyan jirin.

Habeen iyo Maalin wuxu la joogay Isbitaalka, Shaqadiisa dhan wuxuu ka dhigtay Ruweyda, waayo weli wuu jecel yahay waana jecelkiisa ugu horeeyay, uguna dambeeyay, iyada kadib wuu awoodi waayay inuu Qof kale jeclaado ama uu Guursado.

Dadaal dheer ka dib habeen habeenada ka mid ah Hanad oo fadhiya sariirta ay Ruweyda ku jiifto agteeda oo fadhiga ku hurda daal fara badana uu ka muuqdo ayey Ruweyda soo naaxday markey saas indhaha u soo kala furtay ayay aragtay Hanad oo fadhiga ku hurda,waxeyna ku tidhi si Cod dabacsan leh  hanad markaas ayuu farxad la soo booday. 

Isla markiina Ereyga ugu horeeyo uu dhahay wuxuu ahaa Alxamdulillaah, see dareemaysaa hadda?. 

Ruweyda markaas ayey ilmeysay, isagana sidoo kale ilinta wuu ceshan waayay waxayna ku tidhi, Hanad iga raali noqo qaladka aan kaa galay Ciqaabtiisa waan maray,markaas ayuu ku yidhi adiga qalad ma iga galin waxna maku qabo. 

Waxay ku tidhi hanad waa ku xiisay, isaga oo ilmeynaaya ayuu ku yidhi xataa aniga waan kuu xiisay, waxayna bilawday inay Duruftii iyo Rafaadkii ay soo martay uga sheekayso.

Isagana wuxuu uga sheekeeyay hadalka uu aabaheed kula hadlay markuu ka soo doontay ee loo diiday dartiis inuu horumarkaan ku gaaray, wuxuuna ku yidhi aabahaa maalintaas ku soo doonanaayay haduusan qaabkaas xun ila hadleen una ii bahdileen aniga iyo aabahay maanta heerkas ma joogi lahayn, balse ereyadiisa iyo jaceylka aan adiga kuu qabay marnaba maskaxdayda kama bixin mar walba markaan soo xasuusto ereyadiisa ayaan dadaalkeyga sii laba jibaari jiray ilaa aan heerkaas ka soo gaaray.

Muddo ka dib Ruweyda way caafimaaday, isbitalkiina way  ka  soo baxday  xiriirkii  jaceylka ee hanad iyo Ruweyda ka  dhaxeeyay  10sano ka dib, dib ayuu u soo laabtay welibo isagoo ka Xoog badan sidi hore jaceylkooda oo xambaarsan Xamasad iyo xiiso fara badan, iyago midba midka kale uu soo maray duruufo Adag, muddo dheerna kala maqnaa ayey hada isku soo laabteen iyagoo aad u wada Faraxsan.

Ruweyda aabaheed  ayaa qirtay inuu Hanad  iyo aabihiisa xumeeyay, wuxuuna go'aansaday inuu qaladkiisa saxo, wuxuuna ku booqday Hanad  iyo  aabihiisa gurigooda,  wuuna ka soo raali geliyay Qaladkii uu ka galay.

Sidaas darteedana Lamaanihi 10 sano ka dib ayey haddana dib isku Calfadeen, Aroos wada galeen, Farxad ayeyna ku wada  noolayeen, Ubadna illahay wuu kala siiyay. 


Dhammaad 


Post a Comment

2 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Top Post Ad

Below Post Ad