Type Here to Get Search Results !

Juxa iyo qaabka ay siyaasiintu u fakiraan bal ila akhriso

 Juxa iyo qaabka ay siyaasiintu u fakiraan bal ila akhriso 


Juxa iyo qaabka ay siyaasiintu u fakiraan bal ila akhriso qisadan cajiibka, siday siyaasiinu intay mushkilad kugu abuuraan haddana u xaliyaan

Ninbaa u yimi juxa isagoo ka cabanaya mushkilad haysata wuxuuna ku yidhi : juxaay waxaan qol keliya kula noolahay xaaskayga, lixdeyda carruur, hooyadey iyo soddohday ee maxaan sameeya? 

Wuxuu juxa ku yidhi : tag suuqa weyn oo dameer soo iibso oo isaguna qolka hagula dego dabaddeed laba maalmood ka dib igu soo noqo

Ninkii ayaa laba maalmood ka dib kusoo noqday juxa isagoo leh; juxaay wax walba way kasii dareen. 


Juxa ayaa ku yidhi; tag suuqa oo soo iibso lax iyo digaagad, dabadeed laba maalmood ka dib igu soo noqo. 

Ninkii ayaa kusoo noqday juxa isagoo cadhaysan uuna wejigiisu is-dooriyey gaadhayna heer inuu isdilo ayuu juxa ku yidhi; juxaay looma dulqaadan karo dhibaatadan maalinba maalinta ka dambaysa xaaladaydu way sii xumaanaysa. 

Marka ay xaaladu bartaas marayso ayuu juxa ku dhahaya; tag oo soo iibi dameerka iina soo sheeg, waxa xaaladaada iska soo baddela. 

Ninkii ayaa muddo ka dib juxa kusoo noqday wuxuuna ku yidhi; juxaay xaaladaydu sidii hore way kasoo wanaagsanaatay inyar. 

Dabadeed juxa ayaa ku yidhi ninkii; intaad tagto suuqa soo iibi laxda iyo digaagada ka dibna iiga soo waran waxa iska soo baddela xaaladdaada. 

Ninkii ayaa juxa kusoo noqday isagoo ku taamaya xaalada wanaagsan ee uu hadda ku sugan yahay, waxaanu tagay isagoo juxa ugu mahadnaqaya mid ka

timi qalbiga. 

Fariinta qisadan: 

Sidaas ayaa loo maareeya dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka, ugu horreyn waxay kugu abuurayaan mushkilado hor leh, ka dibna waxa lugu gaadhsiinaya heer aad ilawdo mushkiladii ay kugu abuureen iyo asal ahaan dhibtu halkay ka timi dabadeedna waadiga aaminay inaad noloshaada abaal iyo wanaag u hayso.


Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Top Post Ad

Below Post Ad